Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Villa Somalia oo war kaso saartay natiijada safarkii Xasan Sheekh ee Imaaraadka

Arbaco December 6- 2023{HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay Shirkii Caalamiga ahaa ee Isbaddelka Cimillada (COP28) ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa shirkaas iyo kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay madaxda ka qaybgashay qaarkood waxa uu kusoo bandhigay xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya & dedaalka Dowladda Federaalka gelisay in ay ka jawaabto.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xoogga saaray garab istaagga iyo taageero loo helo qoysaska ay saameysay xaaladda El-nino.

Shirkii looga hadlay Isbaddelka Cimillada ee ka dhacay Dubai ayaa waxyaabaha diiradda lagu saaray waxaa kamid ahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka laga dhaxlo wax weliba oo horseedi kara isbaddel ku yimaada Cimillada.

Soomaaliya ayaa kamid ah Dalalka saameynta taban ka dhaxlay xaaladaha loo tiiriyo in salkoodu yahay Isbaddelka Cimillada maadaama Qaaca Warshadaha ay sababaan dhibaatooyinka inta badan miiska lasoo dhigo sida hadalka loo dhigay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA