Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa sidee xaalka in ka badan 60 dhallinyaro Soomaali ah oo ku xanniban Ruushka?

Arbaco December 6- 2023{HMC}  Dowladda Ingiriiska ayaa wax ka beddelaysa oo adkeyneysa sharciyada muhaajiriinta ajnabiga ah ee imaanaya dalkaasi ee doonaya inay ka shaqeystaan ama ay ku noolaadaan.

Xoghayaha arrimaha gudaha Boqortooyada UK James Cleverly ayaa ku dhawaaqay qorshe shan qodob ka kooban oo lagu xakameynayo soo-galootiga, kaas oo uu sheegay in uu aad u sarreeyo.

Sharcigaan lagu xoojiyaan siyaasadda socdaalka ayaa lasoo saaray kadib markii wasiirku tilmaamay in sare u kac weyn uu ku yimid dadka soo-galootiga ah ee Ingiriiska tagay .

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sonak, oo ka haday tirada rasmiga ah ee muhaajiriinta ajnabiga ah ee u soo guuraya UK, ayaa shegay in ay ahayd ‘tiro aad u sarreysa’.

Waa maxay sharciyada cusub ee socdaalka ee hadda la soo saaray?

Inta badan dadka doonaya inay ka shaqeeyaan Ingiriiska waxay weli u baahan doonaan inay ku codsadaan Nidaamka (PBS) ka hore inta aysan dalkaasi tagin.

Laga bilaabo 2024-ka dadka xifadda leh ee doonaya in ka shaqeeyaan Boqortooyda UK waa in ay yihiin kuwa mushaharkood aad u sarreeyo si ay u helaan fiisaha shaqada.

Sida ku cad xeerarka cusub ee socdaalka, dakhliga ugu yar ee soo-galootiga sharci darrada ah ee Ingiriiska waa inuu noqdaa £38,700 sanadkii, halka uu ka ahaa £26,200 sanadkii hore.

Dadka ka shaqeeya dhinacayda caafimaadka iyo qaybta adeegga bulshada wax saameyn ah kuma yeelan doono sharcigan. Laakiin soo-galootiga ajaanibka ah ee ka shaqeeya waaxahan ayaan mar dambe loo oggolaan doonin inay xubnaha qoyskooda keenaan Ingiriiska.

Siyaasadda cusub ee socdaalka ayaa lagu dhwaaqay ka dib markii xogta dadka soo-galootiga ah ee bishii hore ay muujisay in uu jiro sare u kac ballaaran oo ku saabsan dadka soo galay dalkaasi.

Dadka ajanabiga ah ee doonaya in ay codsadaan visa Ingiriiska ayaa laga rabaa in ay buxiyaan sharuudo ay ka mid yihiin 50% ay yaqaannaan luuqadda Ingiriiska, iyo shaqaale yaraan ay ka jirto dhinacyada uu doonayo in uu ka shaqeeyo.

Qaybaha shaqaale yarida ay ka jirto dalka Ingiriiska

Waxaa jira dhinacyo kala duwan oo shaqaale yari ay ka jirto Ingiriiska kuwaas oo dadka ajinabiga ah ka heli karaan shaqo haddii ay codsadaan.

Liiska hoose ayaa ah dhinacyada ugu badan ee shaqaale yarida waaxaha ay ka jirto guud ahaan dalka Ingiriiska.

1- caafimaadka iyo waxbarashada.

2- daryeelka bulshada.

3- Farshaxanka sawirrada

4- Shaqaalaha dhismaha.

5- Dhakhaatiirta xanaanada xoolaha.

Dadka qaban kara shaqooyin ayaa ah kuwa hadda sida weyn looga baahan yahay guud ahan dalka Ingiriiska.

Dawladdu waxaa ay sheegtay in ay sidoo kale dib u eegis ku samayn doonto liiska waaxaha ay ka jiraan shaqaalo yarida, lana dhimi doono tiradooda.

Shuruudaha dadka ajanbiga ah ee doonaya in qoysaskooda ay Ingiriiska geeyaan.

Dakhliga ugu yar ee qofka doonaya in xubnaha qoyskiisa uu keeno ayaa laga dhigay £38,700 sanadkii halka markii hore uu ka ahaa£18,600.

Qiyaastii 70,000 kun oo qof ayaa Ingiriiska ku tagay fiisaha qoyska sanadka sii dhamaanaya 2023-ka .

Xoghayaha arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay qasab tahay in Ingiirska uu hoos u dhigo dadka soogalootiga ah ee dalka imaanaya

Kororka dadka muhaajiriinta ee Ingiriiska ayaa ah culeeysa siyaasadeed uu wajahayso ra’iisulwasaaraha xisbiga muxaafadka ah Ingiriiska Sunak kaas o ballanqaaday inay yareynayo socdaalka tan iyo markii ay ku guuleysteen doorashada dalkaasi.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA