Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Baarlamaanka Maamulka Puntland oo sameystay muddo kororsi hal sano ah xili lagu waday in la kala diro

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Golaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa sameystay sanad muddo kororsi hal sano ah iyagoo ka amba qaadaya go’aankii shalay kasoo baxay guddiga isimmada SSC- Khaatumo.

 

Guddiga Isimmadda SSC- Khaatumo oo ku howlanaa xal ka gaarista khilaafka arrimaha doorashada, ayaa guddoonshay in baarlamaanka haatan jira loogu daro 12 bilood, si ay iyagu u doortaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

Baarlamaanka oo saakay loo qeybiyay go’aanka isimmada, ayaa meel mariyay muddo 12 bilood ah, iyagoo sheegay in lifaaqa uu soo saaray madaxweynuhu uu yahay mid waqtigiisu kasoo dib dhacay, sidaas awgeedna ay iyagu la wareegeen go’aanka arrimaha doorashada.

 

Xildhibaanada ayaa u codeeyay inay sii joogaan xilka. Guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxuu sheegay inuu saacadaha soo socda soo magacaabayo guddiga doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

 

Lama oga sida uu ku socon doono go’aanka baarlamaanka Puntland, iyadoo xalay madaxweyne Deni uu ku dhawaaqay in Puntland ay ku laabatay doorashadii 66 xildhibaan ee horey loogu dhaqmi jiray.

 

Saciid Cabdullahi Dani Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa qorshihiisu ahaa in marka baarlamaanka uu soo saaro lifaaqa doorashada uu soo magacaabo guddiga ansixinta baarlamanka, kadibna isla maanta lakala diro baarlamaanka waqtigiisa uu dhamaaday.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA