Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Kenya oo soomaliya ka raali gelisay arrin ku saabsaned Somaliland

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Dowladda Kenya ayaa raali gelin siisay dowladda federaalka Soomaaliya, kadib qoraal xasaasiyad abuuray oo baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka uu ku baahiyey Senator ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya

 

Senatorka ayaa qoraalkaas uga hadlay kulan uu Nairobi kula yeeshay saraakiil ka socotay Somaliland, isagoo sheegay inay ka wada hadleen sidii loo bilaabi lahaa duulimaadyo toos ah oo Hargeysa to Nairobi ah

 

Xoghayaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa arrintaan ka soo saaray qoraal raali gelin ah, isagoo cadeeyey in Kenya aqoonsan tahay midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Xoghayaha ayaa cadeeyey in dowladda Kenya ay Somaliland u aqoonsan tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku raali geliyey dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ay la jaanqaadeyso Midowga Afrika oo aqoonsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya

 

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya wuxuu sharaxaad ka bixiyey xafiiska ay Somaliland ku leedahay Nairobi, kaas oo sida uu sheegay ka shaqeeya arrimo ganacsi oo Kenya aysan u aqoonsaneyn safaarad

 

Qoraalka Xoghayaha ayaa xubnaha baarlamaanka Kenya lagu xusuusiyey in aysan awood u laheyn inay faro-geliyaan siyaasadda arrimaha dibadda Kenya, waxaana twitterka Senatorka laga saaray qoraalkii ay dhibsatay dowladda Soomaaliya

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan Jabriil Ibraahim Cabdulle u magacowday safiirka cusub ee Kenya, ninkaan oo horay u soo noqday musharax madaxweyne ayaa ku xeel-dheer diblomaasiyadda, waxaana la rajeynayaa inuu wax badan ka bedeli doono siyaasadda ay Kenya kula dhaqanto Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA