Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliland oo sheegay in ay qabteen xubno ka tirsan sirdoonka Soomaaliya

Khamiiis -December-7-2023-{HMC} Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliland ee NIA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 2 nin oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Qoraal ay Hay’adda ku baahisay barta ay ku leedahay X ama twitter ayeey ku sheegtay in ay gacanta ku dhigtay ragan oo ay sheegtay in ay la shaqayn jireen Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasin Xaaji.

Raga la qabtay ayeey Hay’adda Sirdoonka Soomaaliland sheegtay in fuliyeen falal ku lidi ah jiritaanka Somaliland, inkasta oo aan qoraalka lagu xusin halka laga qabtay, iyo waxa ay ku hawlanaayeen.

“Hay’adda ugu saraysa amniga Soomaaliland ee NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka NIA.

“Gaar ahaana waa shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin, kuwaas oo Soomaaliland ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda” ayay warbixintu ku dartay.

Mudooyinkii danbe Sirdoonka Soomaaliland ayaa xabsiga dhigay dad badan oo ay ku eedeeyeen in ay yihiin basaasiin ka soo jeeda waddamo kala duwan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA