Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Boqollaal Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza

Jimco-December-8-2023-{HMC} — In ka badan 350 oo qof ayaa ku dhintay kumannaan kalana waxay ku qasabtay in ay guryahooda ka barakacaan, kaddib marki ay ciidanka Israa’iil Khamiisti shalay weerareen magaalooyinka ugu waaweyn Marinka Gaza.

 

Qaar badan oo ka mid ah dadka barakacay ayaa isugu tagay aagga Rafax oo dhaca xuduudka koofureed ee ay Gaza la wadaagto Masar, kaddib marki ay aqristeen farriimo ku qornaa warqado ay diyaaradaha Isra’il kor uga soo daadiyeen Gaza, kuwaas oo dadka ku boorriyay in ay tagaan Rafax si loo nabadgeliyo.

 

Hase yeeshee, wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ayaa sheegtay, in duqeymo halkaasi ka dhacay xalay ay ku dhinteen ilaa 37 qof. Millatariga Israa’iil ayaa Khamiistii ku eedeeyay Xamaas in ay madaafiic kasoo tuureen agagaarka Rafax.

 

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inaysan jirin goob nabaddoon oo Gaza ku taalla. Sida ay sheegeen saraakiisha, in ka badan 85 boqolkiiba dhulki ay deganaayeen in ilaa 2 milyan oo qof ayay dadku ka barakaceen Marinka Gaza.

 

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa isticmaalay awood naadir ah oo uu uga digay Golaha Ammaanka “masiibo bini’aadantinimo” oo ku soo fool leh Gaza, isaga oo ku boorriay xubnaha golaha in ay dalbadaan xabbad-joojin.

 

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas, tan iyo marki ay billowdeen duqeymaha Israa’iil ee Gaza, in ka badan 17,000 oo qof oo u badan dumar iyo carruur ayaa lagu dilay Marinka Gaza.

 

Israel ayaa weerartay Gaza, kaddib marki ay Xamaas 7-badi bishi October weerareen Isra’il halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, soona afduubteen ilaa 250 kale.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA