Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO MUQAALKA} Baarlamanka Dalka Denmark oo Sameeyay Talaabo ay Siweyn ugu farxeen Dadka Muslimiinta

jimco December-8-2023-{HMC} Baarlamaanka Dalka Denmark ayaa meel mariyay sharci dambi ka dhigaya in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah lagu gubayo goobaha fagaarayaasha ah, si loo dejiyo carada dalalka Muslimiinta ah, kadib markii ay Denmark ka dhaceen dibadbaxyo rabshado wata, kadib markii la gubay kitaabka qur’aanka kariimka ah.

 

Wadamada Denmark iyo Sweden ayaa sanadkan la kulmay mudaaharaadyo is daba joog ah, halkaas oo dadka uu ku jiro Islaam Naceybka ay gubeen ama si kale u dhaawaceen nuqullo ka mid ah Quraanka Kariimka, taasoo dhalisay in dawladaha Waqooyiga Yurub ay mamnuucaan dhaqankaas.

 

wasiirka caddaaladda Peter Hummelgaard, ayaa sheegay in ka badan 500 oo mudaaharaadyo ah oo ay ku jiraan gubista qur’aanka kariimka ah ama calanka ayaa la diiwaan geliyay tan iyo bishii July.

 

“Bannaanbaxyadan oo kale waxay dhaawici karaan xiriirka Danmark la leedahay dalalka kale, danahayaga iyo ugu dambeyntii badbaadadayada,” ayuu yiri Wasiir Hummelgaard.

 

Si loo dheellitiro xoriyatul qawlka ee uu dastuurku ilaalinayo, oo ay ku jirto xaqa dhaleecaynta diinta, iyo amniga qaranka iyada oo laga cabsi qabo in qur’aanka la gubo ay horseedi karto ‘weerarro kaga yimaada Islaamiyiinta.’

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA