Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} 100 qoys oo Danyar ah kuna nool Degmada Buulo Burte Ayaa Maanta Gargaar loo qeybiyay.

Jimco 08 December-2023-HMC- Wasaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle ayaa maanta 100 qoys oo Danyar ah gaarsiiyay raashin oo ku nool degmada Buulo Burte.

Wasaaraddu iyada oo garwaaqsan duruufaha adag ee soo wajaha qoysaskan, waxa ay qaadday tallaabo degdeg ah oo lagu gurmanaayo si loo daboolo baahidooda.

 

Bixinta cuntadu waxay gacan ka geysan doontaa yareynta dhibka ay ku jiraan xilligan adag dadka ay sameysay Fatahaada.

 

100kan Qoys ayaa aad iyo aad ugu mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle iyo Madaxda Dowladda Hirshabelle oo xil iska saaray sidii ay bulshada ugu adeegi lahayd.

 

Maamulka degmada Buuloburte ayaa kaalin mug leh ka qaatay sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka iyo qoysaska ay dhibaatadu ka soo gaartay.

 

Waxaa intaas Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka oo kaashanaysa Hay’adda SoDMA ay isku dubbariday in ka badan 30 baabuur oo xamuul oo maalmaha soo socda gaari doono degmada Buuloburte.

 

Baabuurtan ayaa soo qaadi doona sahayda aadka loogu baahan yahay si loo sii taageero bulshooyinka ay dhibaatadu saamaysay gaar ahaa degmada Buulo Burte.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA