Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Kenya oo Shaqaale Udireeysa Israa’iil

jimco December-8-2023-{HMC} – Dowladda Kenya ayaa dhulka Israa’iil xoogga ku heysato u direysa shaqaale badan oo ka shaqeeya beeraha, xilli Israa’iil ay wajaheyso shaqaale yari baaxad leh ,gaar ahaan dhinaca beeraha oo baahi weyn u qabto dad uga shaqeeya.

Wasaaradda shaqaalaha dalka Kenya ayaana xaqiijisay in Israa’iil loo dirayo shaqaale gaareya 1,500 qof, kuwaa oo intooda badan ka shaqeenaya beeraha kuyaalla dhulka sraa’iil maamusho.

Dowladda Malaawi ayaa laba todobaad kahor Israa’iil u dirtay shaqaale gaaraya 221 qof oo dhalinyaro ah, kuwaa oo loogu tala galay in ay ka shaqeeyaan beeraha, waxaana dhallinyaradaasi oo gaaray Israa’iil qaarkood bilaabeen shaqadii loo geeyay halkaasi.

Kenya ayaa sheegtay in shaqaalaha ay u direyso Israa’iil ay saxiixi doonaan qandaraas soconaya saddex sano oo la cusbooneysiin karo, iyagoo bishii mushaar ahaan loo siin doono lacag dhan 1500 oo doolar.

Israa’iil ayaa wajahday shaqaale yari aad u baaxad weyn, kaddib markii dalkaasi isaga baxeen shaqaale badan oo ajaaniib ah oo Israa’iil ka shaqeenayay, kuwaa oo ka cabsaday duqeymihii Xamaas ku garaacayeen dhulka Israa’iil maamusho.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA