Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madxaweynaha Dalka turki Erdogan oo war culus kaga dhowaaqay dalka Deriska ah Greece

jimco December-8-2023-{HMC}  Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan, ayaa Khamiistii ballan qaaday inuu “waa cusub” u furayo xiriirka taariikhiga ah ee dalka ay xifaaltamaan ee Greece, isagoo booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ku tagay Athens tan iyo 2017-kii

 

Kulamo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Greece Kyriakos Mitsotakis iyo madaxweyne Katerina Sakellaropoulou intii lagu guda jiray booqasho shan saac qaadatay, hoggaamiyaha Turkiga ayaa kala hadlay arrimaha ganacsiga, arrimaha gobolka iyo arrinta muhaajiriinta ee xasaasiga ah

 

“Waxaan aaminsanahay in kulanka iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Greece uu waa cusub u hoggaamin doono xiriirada,” ayuu Erdogan u sheegay Sakellaropoulou, isaga oo intaas ku daray “Waxaan u baahannahay niyad wanaag, niyad wanaagganna wuxuu mustaqbalka noqon doonaa mid miro-dhala

 

Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen Sakellaropoulou, ayuu Erdogan ku sheegay in hadafka uu yahay in xiriirka ganacsi ee labada dal uu gaaro 10 bilyan oo Euro, halka hadda uu ka yahay 5.5 bilyan

 

Ankara ayaa aheyd dhufays muhaajiriin tan iyo heshiis-kii ay 2016 la gashay Midowga Yurub, kaas oo Mitsotakis iyo hogaamiyayaasha Midowga Yurub ay rajaynayaan in la cusbooneysiiyo

 

Diblomaasiyiinta la socda Erdogan ayaa sidoo kale kala hadlaya dhiggooda Greece arrinta soo jireenka ah ee ku saabsan muranka dhuleed ee Greece iyo Turkey ee Badda Aegean

 

Erdogan ayaa su’aal galiyay heshiisyadii qarniga soo jiray ee qeexaya madaxbanaanida Aegean, waxaana diyaaradaha dagaalka Turkey iyo Greece ay si joogta ah u galaan daan-daansi dagaal oo ka dhaca hawada lagu muransan yahay

 

Helitaanka kheyraadka hydrocarbon ee bariga Mediterranean-ka ayaa sii adkeynaya xiriirka, iyadoo Ankara ay ka careysiisay Athens 2019 kadib markii ay heshiis muran badan dhaliey la saxiixatay Libya

Sannadkii hore, Erdogan ayaa Greece ku eedeeyay inay “qabsatay” jasiiradaha Aegean, wuxuuna ku hanjabay: “Sida aan dhahno, waxaa laga yaabaa inaan si lama filaan ah u nimaadno hal habeen.”

 

Hase yeeshee, xiriirka ayaa soo hagaagayey tan iyo bishii Febraayo, markii Greece uu samata-bixiyeyaal iyo gargaar u diray Turkiga kadib dhulgariir weyn oo dilay ugu yaraan 50,000 oo qof oo ku dhuftay dalkaas

 

Mitsotakis, oo xilka ra’iisul wasaare markii labaad afar sano ku guuleystay bishii June, ayaa sidoo kale muujiyay inuu diyaar u yahay inuu yareeyo xiisadda Ankara

 

Labada hogaamiye ayaa horey ugu kulmay bishii September magaalada New York oo uu ka socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA