Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey yihiin Afarta cashar ee ku jirta go’aankii Saciid Deni?

jimco December-8-2023-{HMC} – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen hore ku dhowaaqay inuu ka laabtay go’aankiisii ahaa inay Puntland ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu aqbalay in la aado doorashadii hore oo aheyd inay 66 xubnood ee Golaha Wakiilada Puntland soo doortaan odayaasha qabaa’ilka.

Deni ayaa muddo dhowr billood ah lagu qancin waayay inuu dhexda soo dhigo doorashada, balse wuxuu markii dambe lumiyay kalsoonidii dhaqanka, waxaa kala qeybsamay baarlamaanka, gaar ahaan xubnihii u xil-saarna arrimaha doorashooyinka, halka beesha caalamka ay uga digtay inuu gacan ka hadal kale u horseedo deegaanada Puntland.

 

Go’aanka Deni ayaa kusoo aaday saacado kadib markii odayaal waan-waan ku jiray ay soo jeediyeen in baarlamaanka hadda jooga loogu daro hal sano, iyaguna ay doortaan hoggaamiyaha maamulka iyo ku-xigeenkiisa.

Laakiin Saciid Deni ayaa aaday jiho taas 100% ka duwan, dhowr cashir ayaa ku jira go’aanka uu xalay qaatay Saciid Cabdullaahi Deni.

1- In aan damac shaqsi ah loo afduubi karin danta guud

Deni waxaa la xasuusta sidii uu u diiday damacii halka dhinac ahaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si taas lamid ah ayaa isna tiisi loo diiday.

Waa cadeynta in aan heer walba oo dowladeed oo ay Soomaalida joogto maanta in aan hal mid lagu guuleysan karin waana in damac shaqsi ah danta guud loo afduubi.

 

2- Natiijada go’aankiisa cidna kula macaashin

Saciid Deni wuxuu iska diiday inay dad kale sheegtan ama shirko kula noqdaan go’aankiisa. Wuxuu durba bogaadin ka helay dad badan oo reer Puntland ah oo ku aamanay inuu maamulka badbaadiyay, oo laga baaqsaday gacan ka hadal kale.

Sidan hore u sheegnay madaxda uu muddo xileedka ka dhamaanayo uma fiicna inay galaan doorasho lagu qasbay, waxaa u haboon inay garashadooda weelka dhexda kusoo dhigaan si ay ugu yaraan wax uun ugu dhasho.

3- Xilliga doorashooyinka isfahm siyaasadeedka ayaa ka muhiimsan dastuurka

Saciid Cabdullaahi Deni iyo madax kale oo Soomaaliyeed oo ka horeysay ayaa dhamaan tijaabiyay inay beddelaan qodobo dastuuri ah, inay qortaan sharciyo u gaara ah oo ay baarlamaanada lacag badan ku bixiyaan, si ay damac shaqsi ah sharciyad ugu raadiyaan.

Laakiin marwalba waxay kusoo dhamaata oo la isla qaata hab mucaaradka iyo muxaafadkuba wada aqbali karaan. Haddii wax laga baranayo arrintaan waa in laga qaata in heshiis siyaasadeedka ama is ogol siyaasadeedka ka xoog badan yahay qodobada dastuurka marka la joogo xilliga doorashooyinka.

4- Farriin ku socota maamullada kale ee ay doorashooyinkooda soo dhow yihiin

In Saciid Deni dib loo dooran doono iyo inkale waa jawaab lala sugayo maalinteeda. Laakiin haddii uu Saciid Deni xoogi lahaa hanaanka doorashada Puntland waxay sahli laheyd in la boobo dhamaan doorashooyinka kale ee dalka.

Reer Puntland waxay cashir siiyeen maamullada kale ee dalka, waxaa hadda bilaaban karta in maamullada kale qaarkood iyagana laga diido muddo kororsi iyo in hanaanka doorashada la xoogo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA