Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Kaalin Noocee ah ayeey ka qaateen Madaxda dalalka IGAD qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya?

Jabuuti, Diseembar 09, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galay Meertada 41-aad ee Madaxda dalalka IGAD ayaa uga mahadceliyey doorka ay ka qaateen in Soomaaliya ay ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo qaadista cunaqabateynta hubka ee saarnayd dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa khudbadda uu ka jeediyey fadhiga Hoggaamiyeyaasha IGAD waxa uu ku tilmaamay caqabadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka gobolku, kuwaas oo ay ka mid yihiin argagixisada, saameynta isbeddelka cimilada iyo colaadaha.

“Xubnaha Urur Goboleedka IGAD waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay siiyeen qaadista cunaqabateynta hubka ee saarneyd Soomaaliya iyo codsigeenni ku aaddanaa ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika, tallaabooyinka oo ka markhaati kacaya dadaalka aan ugu jirno xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo horumarsan”.

Shirka inta uu socday, waxa ay Madaxda IGAD ay warbixin ka dhageysteen Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkaas Mudane Cabdulfataax Alburhaan oo dul istaagay waanwaanta IGAD ee ku aaddan dagaalka dalka Suudaan, taas oo dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay xubnaha ku howllan xal u helista dagaalkan ee heer IGAD.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ay ka taagan tahay dagaalka dalkaas, kaas oo ku saleysan casharkii shacabka Soomaaliyeed ay ka barteen burburkii dowladnimada, waxa uuna tilmaamay in Suudaan shacab iyo dowladba ay abaal weyn ku leeyihiin dadkeenna Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA