Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Mareykanka oo si cad u diiday xabad-joojin ka hirgasha Magaalada Gaza

Sabti-December-9-2023-{HMC} Dowladda Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah.

Qaraarkaas waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka ee Qaranada Midoobey.

Dowladda Mareykanka ayaa si cad u diiday inay u codeyso xabad-joojin ka dhaqan gasha dhulka reer Falastiin, halka dowladda Britian ay ka aamustay u codeyntii qaraarkaas.

Qaraarka ayaa fashilmay kadib markii Mareykanku uu adeegsaday codkiisa qayaxan, safiir ku xigeenka Mareykanka u jooga golaha ammaanka ee QM ayaa golaha ku eedeeyey in aysan cambaareyn weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil, halkaas oo Xamaas ay ku dishay dad ka badanaa 1,200 oo qof oo u badnaa rayid.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu golaha ammaanka ka hor sheegay in qaraarka aan lagu cadeyn xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.

“Xamaas dooni meyso inay aragto laba dowladood oo nabad ku wada nool, sidaas darteed Mareykanka oo aad u doonaya in Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay nabad ku wada noolaa karaan, ma taageereyno baaqyada xabad joojinta deg degga ah,” ayuu yiri danjiraha Mareykanka ee QM.

Cod u qaadista qararkaan ayaa timid kadib markii xoghayaha golaha ammaanka uu si lama filaan ah u dalbaday fadhi aan caadi aheyn, si loo faro geliyo xaaladda ka taagan Gaza, iyadoo la dalbanayo xabad joojin bini’aadanimo.

Safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u jooga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa markiiba ku dhaqaaqay inay golaha geeyaan qaraarkaan, iyagoo intii aysan codeyntu bilaaban sheegay inay taageero uga heleen in ka badan 100 wadan.

Ku xigeenka Danjiraha Qaramada Midoobey ee Imaaraadka Maxamed Shahaab ayaa xalay sheegay inay heleen taageerada 100 dal oo dooneysa in xabad joojin ka dhaqan gasha Gaza, taasi oo muujisay caalamku u daneynayo in wax laga bedelo xaaladda bini’aadanimo ee ka taagan Falastiin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05-05-2024}

Axad 5 April, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DAAWO MUQAALKA} Waa tuma gabadha Muslimadda ah ee noqotay taliyaha ciidank cirka Dalka Kenya?

Axad 5, May 2024 {HMC} Maj Gen Fatuma Gaiti Ahmed ayaa noqotay haweenaydii ugu horreysay ee taariikhda dalka Kenya loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Cirka...

WARARKA