Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ergayga Ruushka QM “Aniga oo ku hadlaya afka walaalahey Carbeed, waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo colaadda soo noqnoqotay.”

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Ku xigeenka ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyansky, ayaa luqadda Carabiga ku hadlay fadhi looga hadlay qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah in looga dhawaaqo marinka Qasa.

Bilowgii, wuxuu Polyansky ku hadlay afkiisa, kaddibna wuxuu ku hadlay luqadda Carabiga, isaga oo leh: “Aniga oo ku hadlaya afka walaalahey Carbeed, waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo colaadda soo noqnoqotay.”

Waxa uu intaa ku daray: “Waxaan ku biirnay codkeenna baaqyo badan oo ku aaddan xabbad-joojin waarta, in la xalliyo sababaha asaasiga ah ee colaaddan, lagana shaqeeyo masiibada bini’aadantinimo ee Marinka ka taagan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri: “Ruushka waxa uu si buuxda u cambaaraynayaa fal kasta oo horseedaya in dad rayid ah ay ku waxyeeloobaan, oo ay
ku jiraan haween iyo carruur, sidoo kale ma aqbalayno wax qorshe ah oo ku saabsan barakicinta qasabka ah ee dadka deggan Qasa.”

Wuxuu intaas raaciyay: “Ruushku wuxuu taageersan yahay qaraarka qabyada ah ee Golaha Ammaanka ee ay soo jeedisay Imaaraadka Carabta, waxaana ugu baaqaynaa dhammaan xubnaha golaha inay maanta u codeeyaan.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA