Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Dhaqanka SSC oo shir deg-deg ah La isugu yeeray

Sabti-December-9-2023-{HMC}  – Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo kamid waxgaradka SSC-Khaatuma ayaa iclaamiyay shir wadatashi ah oo ay Laascaanood ku teelanayaan golaha dhaqanka ee SSC.

Garaadka ayaa ugu baaqay dhammaan odayaasha dhaqanka in ay muddo 5 cisho ah kusoo gaaraan magaalada Laascaanood, si ay uga soo qaybgalaan shirkaasi deg-degga ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, shirkan xasaasiga ah ayaa waxaa looga arrinsan doonaa xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan khilaafka ka taaagan doorashada.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyay in odayaashu ay go’aan kasoo saari doonaan, sida laga yeelayo arrinta ka soo korortay doorashada Puntland, gaar xulista xildhibaannada laga soo doorto SSC.

Dood adag ayaa haatan waxa a ka taagan tahay soo xulista xildhibaanada laga soo doorto deegaanada SSC, maadaama dadka deegaankaasi ay hadda yeesheen maamul gaar ah oo ka madax banaan Somaliland iyo Puntland.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana ay waji cusub yeelatay xiisadda ka taagan Puntland, kadib markii golaha wakiilada Puntland oo ka duulaya xalka ay soo saareen Isimada SSC ay sameysteen hal sano oo muddo kordhin ah, taas oo dhalisay muran xoogan oo horleh.

Go’aannadaan hoose ayay horay usoo saareen Isimada SSC-Khaatuma kadib kulamo ay la yeesheen Saciid Deni iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ahaa:-

  1. In la ilaaliyo nabadgalyada iyo xalisoonida Puntland, cidwalibana ka qaadato kaalinta kaga aaddan.
  2. In doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka lagu qabto waqtigeedii sida caadada u ahayd Puntland 08-01-2024
  3. In Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ay doortaan baarlamaanka 5-aad ee Puntland ee hadda jira.
  4. In Baarlamaanka Puntland ee hadda jira ee muddo xileedkoodu ku eeg yahay 31-12-2023 dib loo dhigo doorashadooda muddo 12 bilood ah.
  5. Xukuummadda Puntland ee la doorto, guddiga doorashooyinka Puntland iyo Xisbiyadda siyaasadeed waa in diyaariyaan doorashada Baarlamaanka ee qof iyo cod muddo 12 bilood gudahood ah.
  6. Guddiga doorashooyinka Puntland waa inay dhammaystiraan doorashooyinkii golayaasha deegaannada ee degmooyinkii hadhsanaaa.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA