Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hogaamiyaha Falastiin oo Si Adag ugu Hadlay talaabo uu qaaday Mareykanka eedaymana Ujediyay

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa Sabtidii sheegay in Mareykanka uu mas’uul ka yahay “dhiigga” dadka rayidka ah ee ku daadanaya marinka Gaza, maalin kaddib markii Mareykanka uu diiday qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku dalbanayo xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta ee WAFA, Cabbaas waxa uu cambaareeyay diidmada qayaxan ee Maraykanka, isaga oo ku tilmaamay mowqifka Maraykanka “mid anshax-darro ah” iyo “xad-gudub bareer ah oo ka dhan ah dhammaan qiyamka iyo mabaadi’da bani’aadamka.

Sida laga soo xigtay WAFA, Cabbaas wuxuu Mareykanka dusha ka saaray mas’uuliyadda dhiigga carruurta Falastiiniyiinta, haweenka, iyo dadka da’da ah ee ku daadanaya Marinka Gaza.

Cabbaas waxa uu sheegay in Maraykanku uu qayb ka yahay wax uu ku sheegay “dambiyo dagaal oo ay ciidamada gumaysiga Israa’iil ka gaysteen Falastiiniyiinta ku sugan Marinka Qaza, Daanta Galbeed iyo Quddus,”, isaga oo beesha caalamka ugu baaqay inay xal u raadiyaan. ka hor inta aanay dhibaatadan khatarta ahi isu beddelin dagaal diimeed khatar ku ah dunida oo dhan.

Hadalka Maxamuud Cabaas ayaa yimid ka dib Faragelin naadir ah oo ka timid Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres kaasoo toddobaadkan ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza.

Qaraarka, oo uu diiday Maraykanku, ayaa ku baaqay “xabad joojin degdeg ah oo bini’aadantinimo,” iyo sidoo kale “si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA