Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

In ka badan 100 Dal oo Fadhiga Golaha Ammaanka ku dalbaday Xabbad-joojin degdeg ah oo Gaza ka dhan-gasha.

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeeshay ayaa looga dooday xaaladda ka taagan Magaalada Gaza oo maalintii 64aad dagaal iyo duqeymo xooggan ay ku socdaan Magaaladaas si xal loo helo.

Dagaalkaas marka laga reebo 7 cisho oo xabbad-joojin bani aadamnimo oo maxaabiis madani ah la isku dhaafsaday inta kale si toos ah ayuu u socdaa iyada oo Israaiil ay dhegaha ka fureysatay baaqyo kala duwan oo loo jeediyay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Antonio Guterres ayaa fadhiga kahor waxa uu sheegay in halis dagaal ay dunida galeyso haddii aanay xal degdeg ah ama xabbad-joojin aan xadideen loo helo xaaladda ka taagan Magaalada Gaza.

Sida ay xaqiijiyeen Danjireyaal fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay baaqyada ay soo jeediyeen in ka badan 100ka Dal waxa uu dhaqaajin karaa go’aan lagu cadaadinayo Israaiil oo duulaanka ku jirta & Dalalka ku garab siinaya.

Ciidanka Israaiil ayaa jab xooggan ku gaaray dagaalka dib u billowday kaddib markii ay soo idlaatay xabbad-joojintii bani aadamnimo waxaana ay ku waysay Saraakiil muhiim u ah oo qaarkood ay dhaleen xubno xilal ka haya Maamulka Netanyahu.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA