Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamad kutaal Dalka Turkiga oo soo saartay amar lagusoo xirayo wiilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sabti-December-9-2023-{HMC} Dowladda Turkiga ayaa ogaaday in wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka baxsaday dalka Turkiga ka hor inta aysan maxkamad Turki ah soo saarin xayiraad caalami ah oo dhan ah socdaalkiisa.

Xafiiska dacwad oogaha magaalada Istanbul ayaa baxsashada eedeynsaha kadib, wuxuu soo saaray waaran maxkamadeed oo lagusoo xirayo eedeysanaha, iyadoo loo marayo booliiska adduunka ee loo yaqaano Interpol.

 

Wiilka madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa loo haystaa geerida muwaadin u dhashay dalka Turkiga, oo ku dhintay shil gaari oo uu ku galay magaalada Istanbul, 30kii bishii hore ee November.

 

Maxkamadda soo saartay xayiraadda lagu soo rogay Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud Dec. 7, ayaa ogaatay inuu eedeysanaha ka baxsaday Turkiga Dec. 2, kahor intaan lagusoo rogin xayiraada safarka.

 

Duqa magaalada Istanbul Ekrem Ä°mamoÄŸlu ayaa dhaleeceeyay baxsashada uu Turkiga ka baxsaday eedeysanaha, wuxuuna sheegay inay tahay mid nasiib darro ah oo xad gudub ku ah ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta dalkiisa.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA