Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa Kee Masuulka lagu eedeeyay Ku Buurista AS ee Maanta Maxkamadda Ciidamada oo lasoo taagay?

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Waxaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lasoo taagay guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmooyinka Hodan iyo Xamar Weyne Abuukar Saalax Maxamuud oo lagu eedeeyay in AS ku biiray.

Masuulkan hore ayaa lagu xiray magaalada Muqdisho kaddib markii AS baahiyeen wareysi ay ka qaadeen uu ku sheegayay in uu ku qancay nidaamka AS wax u wadaan uguna muujinayay kooxdaasi garab istaag iyo wada shaqeyn.

Xeer Ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Hodan Abuukar in uu ku qancay fikirka AS uuna ku biiray, waxa ayna ku eedeeyeen in wada dhaqeyn toos ah la lahaa kooxdaasi.

Maxkamadda horteeda ayeyna xeer ilaalinta kusoo bandhigeen wareysiyo uu bixiyay Abuukar kuna sheegayo dowladdii uu horey uga tirsanaa uu ka baxay, isagoona ku tilmaamay dowlad riddo ah.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee arrimaha bulshada degmada Hodan Abuukar Salaad oo maxkamadda kahor hadlay ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay ee ah in uu ku biiray AS, waxa uuna xusay in sababo ammaan iyo mid ganacsi darteed u tagay goob ay joogaan AS, isagoona wareysiga ku sheegay in si qasab ah looga qaaay.

Qarreenada u doodayay Abuukar Salaad ayaa sidoo kale sheegay in ninkan ay difaacayaan uusan gelin dambiyada lagu soo eedeyay, waxa ayna sheegeen in xeer ilaalinta maxkamadda aysan la imaan caddeymo lagu qanci karo.

Guddoomiyaha Maxkamadda derajada koobaad ee ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray dhageysiga kiiska loo heesto Abuukar Salaad, waxa uuna sheegay in xukunka eedeysanaha maxkamadda go’aan kasoo saari doonto.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA