Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii Ugu Dambeyay Ciidamada DF iyo AS oo ku dagaalamay BAKOOL

Sabti-December-9-2023-{HMC}  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo maanta ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Huujaley oo hoostaga degmadaasi, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 9-aad, qaybta 60-aad oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena ay khasaare gaarsiiyeen.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in haatan ay gacanta ku hayaan deegaanka lagu dagaalamay, xaaladdana ay dagan tahay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AS oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay ee ay ka fuliyeen agagaarka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in dhawaan Koonfur Galbeed uu ka billowdo wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro kooxda As .

Si kastaba, AS ayaa weli gacanta ku haysa deegaaano iyo degmooyin ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool, waxayna kasoo abaabushaa weeraro arbushaad ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA