Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faahfaahinta Khasaaraha ka dhashay Xaafad ku taalla Muqdisho oo gubatay

Axad-December-10-2023-{HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo xalay ka kacay xaafadda Seybiyaano oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasoo gaystay khasaare hantiyeedn oo baaxad leh.

Dabka oo ka billowday koronto ayaa ku fidyay guro iyo goobo ganacsi oo ku yaalla xaafado u dhow Siliga Ameerikaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaafadda uu dabka ka kacay ayaa ahay isku raran, waxaana daganaa qoysas danyar ah iyo kuwa barakacayaal ah oo uu dhibaato xoogan ay kasoo gaartay dadkaasi.

Qaar kamid ah dadka ku hanti beelay dabkaasi ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen khasaaraha soo gaaray intaba,

“Wax nool maba leh guryayaasha dhan way gubteen, ilmaha waa ka baxsanay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale hooyo kale ayaa tiri oo kamid ah qoysaska ay dhibaatada soo gaartay ayaa tiri “Hal xabo kama bixin alaabteyda waa gubatay, dharkii waa gubtay,”

Illaa dhowr boqol oo qoys ayaa sidoo kale ku guryo beelay dabkan, maadaama uu baab’iyyay dhul ballaaran, sida uu sheegayo mid kamid ah dadka deegaanka.

“Dhowr boqol oo qoys ayaa meesha ku barakacday oo bannaanka dhooban, guryana aan haysan oo alaabtoodii meesha ku gubatay” ayuu isna yiri oday kamid ah dadka deegaanka.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA