Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hay’adda Duulista oo soo bandhigtay Qorshaha Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah

Axad-December-10-2023-{HMC} Axmed Macallin Xasan, Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), ayaa daah-furay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya doorka ay ku leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa daah-furay 16 bishii Oktoober ee sannadkan Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta waxqabadka hay’adaha Dawladda.

Agaasimaha Qorsheynta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Aamina Cabdiraxmaan Cusmaan oo horey dalka dibadeeda ugu soo qaadatay tababarka hirgalinta hannaankan ayaa ku soo bandhigtay kulan ay goobjoog u ahaayeen agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada HDRS , siyaabaha loo dhaqangelin karo iyo sida ay HDRS waaxyaheeda qayb uga noqon lahaayeen hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

“ Hannaankan wuxuu gacan ka geysanaya inan xoojino wada-shaqeynta waaxyaha oo isla jaanqaadidooda ay gacan ka geysanayso in la horumariyo dadaalladii lagu fulinayo adeegyada bulshada iyo qaranka aan u heyno.” ayuu yiri Maareeyaha guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin oo faray agaasime waaxeedyada Hay’adda dhaqangelinta doorka ay hay’addu ku leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga.

Inta lagu jiro dhaqangelinta Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah , waaxda Qorsheynta HDRS ayaa bixin doonta tababarro la siinayo waaxyaha si loo dardargeliyo hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA