Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

In kabadan 17,kun oo dadka rayidka ah ayaa ku dhintay duqeymaha Israa’iil ay ka geysatay Dhulka Falastiin.

Axad-December-10-2023-{HMC}  Waxaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa tirada dadka shacabka ee reer Falastiin ee ku dhimanaya duqeymaha Israa’iil.

 

Militariga Israa’iil ayaa Sabtigii Shalay ahaa waxay duqeyn culus ka geysteen Koonfurta magaalaglda Gaza, gaar ahaan Khan Yoonis, taasoo geystay khasaare xoogan.

 

Duqeynta Shalay ay Gaza ka geysteen Militariga Israa’iil ayaa kusoo aadeysa, maalin kadib markii Mareykanka uu codka diidmada qayaxan u isticmaalay qaraarkii Qaramada Midoobey ee ku baaqayay xabad joojin deg deg ah oo bani’aadantinimo.

 

Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas maamusho oo xalay shaacisay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymaha Israa’iil ayaa sheegtay iney gaartay dhimashada 17,700 oo ruux.

 

Bishaan Decembar ee maanta mareyso 10-ka ayaa la sheegay in ciidamada Yahuuda dadka rayidka ah ay ku dileen Gaza iney gaareyso 3,000 oo ruux.

 

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo ka hadlay xaalada reer Gaza ayaa sheegay in dadka reer Gaza ay ku jiraan god dheer oo mugdi ah.

 

António Guterres ayaa tilmaamay in gantaalada Xamaas ku weerareyso Israa’iill inaysan Isra’iil qiil uga dhigan karin xadgudubyada ay ka gayneyso Marinka Gaza oo baal marsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA