Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qaramada Midoobay oo sheegtay in kala-bar Dadka Gaza ay qarka u saaran yihiin Macluul.

Axad-December-10-2023-{HMC} Saraakiil katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in kala bar dadka ku sugan Magaalada Gaza ay wajahayaan xaalad cunno la’aan ah taas oo ka dhalatay go’doonka xooggan ay geliyeen ciidanka ku duulay ee Israaiil.

Hay’adda cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay WFP ayaa sheegtay in xaaladaha laga soo weriyay Magaalada Gaza ay muujinayaan muuqaallo aanay wanaagsaneen maadaama cunno la’aanta ay halis gelineyso nolosha Dad badan.

Agaasime ku xigeenka Barnaamijka Cunnada Adduunka Qaramada Midoobay ee WFP Carl Skau ayaa sheegay in 10kii qof 9 kamid ah aanay heli Karin cunno ay cunaan taasina ay muujineyso xaddiga gaajada halkaas ka jirta.

Qaramada Midoobay ayaa hoosta ka xariiqday in loo baahan yahay xal degdeg ah si loo daba-qabto Dadka ku dhibaateysan Magaalada Gaza ee sidii Roobka oo kale ku dul hoobanayaan duqeynta xooggan ay Israaiil geysaneyso.

Afhayeenka Ciidanka Yuhuudda Col Richard Hecht ayaa sheegay in dhimashada Dadka rayidka ah ee Magaalada Gaza aanay u hayn xal kale maadaama uu ku dooday in uusan jirin baddel kale waa sida uu hadalka u dhigay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA