Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fatahaada Wabiyada Dalka oo korortay

Axad-December-10-2023-{HMC} Maxamuud Macalin Cabdulle Guddoomiyaha hay’adda Maareeynta iyo Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa sheegay iney gaartay tirada dadka dhintay daadadka ka dhashay roobabka iyo fatahaada wabiyada Jubba iyo Shabeelle 120 ruux.

Guddoomiyaha SODMA ayaa sidoo kale sheegay in dadka ugu badan ay ku dhinteen gobolada Baay, Gedo iyo Jubbada Hoose.

“Daadadka iyo fatahaadaha inta aan diiwan galinay dhimashada waa 120 ruux oo ah guud ahaan gobolada dalka, haba ugu sii badnaadaan gobolada Baay, Gedo iyo Jubbooyinka, dadka dhintay waxaa ku jiray dhowr iyo toban ruux oo doon la gadoontay iyagoo ka cararaya kooxda Al-shabaab” ayuu yiri guddoomiyaha hay’adda SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay guddoomiyaha iney ku adkaatay in deegaanada qaar ay gaarsiiyaan gargaar, kadib markii garoomada diyaaradaha intooda badan ay ku xirmeen daadadka ka dhashay roobabka.

Dhibaatooyinka ka dhashay daadadka iyo fatahaadaha ayaa wali ka taagan magaalooyin badan oo ku yaala gobolada dalka, haba ugu sii darnaadaan Baledweyne, Buulaburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA