Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wararkii u danbeyay dhaqtar iyo Macalin Dugsi Quraan oo lagu dilay Galgaduud

Axad-December-10-2023-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil ka gaysteen tuulada Ilix oo hoostegta degaanka Ceeldheer oo 30 KM u jira Dhuusamareeb

 

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen walaalo isla dhashay

 

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka

 

Dr. Axmed oo batay daaweynta Ilkaha ayaa dhawaan booqasho u aaday qoyskiisa, halka Macallinka uu ahaa wadaad caan ka ah deegaanka oo dhigi jiray Qur’aanka Kariimka

 

Maleeshiyaadka dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, kuwaas oo labadaan wiil ee walaalo ah u beegsaday aano qabiil darteed, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka

 

Dilka Dhaqtarka iyo Macallinka ayaa argagax ku reebay ehelladooda iyo dadka degan tuulada, maadaama ay lasoo daristay cabsi aad u xoogan

 

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana sidoo kale dhacdadaan ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo haatan baadi goobaya raggii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh

 

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyey dilkii Dhuusamareeb loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo kasoo jeeda magaalada Cadaado.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA