Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa: “Hal Bil oo Mushaarkeyga ah oo ah $5,000 ayaan ku bixinaa dhismaha Dekedda Hobyo”.

Axad-December-10-2023-{HMC} Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si degdeg ah loogu dhaqaaqo dhismaha Dekedda Hobyo ee Gobolka Mudug.

Cabdiraxmaan Odowaa ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo Shirkad maamul leh ama Xafiis la garanayo leh oo qof weliba uu ku aamino lacagta uu doonayo in uu uga qayb qaato dhismaha lagu sameynayo Dekeddaas.

Waxa uu ballanqaaday in mushaharka bil kamid ah lacagaha uu qaato oo dhan $5,000 oo doollar uu ku darayo Dekedda Hobyo si dhismaheeda loo dardargeliyo una billowdo shaqada laga rajeynayo in ay qabato.

“Reer Galmudug waala dhisi karaa Deked oo waxaa tusaale inoo ah Dekedda Garacad oo ay dhisteen Dadka, Haddii aan hagar jirin Dekedda Hobyo waala dhisi karaa ee Dekedda hala dhiso, Qofka waxa uu ku aamino lacagtiisa waa in la helaa Shirkad maamul leh oo maamuus leh, Sheerka ugu yar waa $1,000 soo lama dhihin, hal bil mushaarkeeda oo ah $5,000 ayaan bixinayaa” Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa.

Galmudug ayaa diiradda saareysa dib u dhiska Dekedda Hobyo, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxa uu ku baaqay in cid weliba oo wax ku darsan karta aanay gacmaha dib u ceshan si dekeddaas howlaha laga rajeynayo ay u billowdo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA