Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Sanatar kasto waxaa laga jaray Bishan Mushaarkiisa Shan Boqol Dollar ,si logu kaalmeeyo Dadka ay Fatahaada Saameysay

Muqdisho, December 11, 2023-{HMC} Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 2-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta 1aad ee Sharciga Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka iyo Ka tashiga saamaynta Arrimaha fatahaadaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka.

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa Golaha lawadaagtay warbixin ku saabsan safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Baydhabo iyo kulamo ay la qaateen madaxda Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed, iyadoo Sanatarraduna ay ka aragti dhiibteen xal u helista arrimaha fatahada, daryeelka dadka ay saameeyeen daadadku iyo la xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha gargaarka.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka maanta shir guddoomiyay ayaa geba-gebada kulanka cod geliyay in Sanatarrada mushaarkooda bishan laga jaro lacag dhan shan boqol oo dolar kadib soo jeedin ka timid xubno katirsan Sanatarrada Aqalka Sare, sidaas ayayna ku ogolaadeen xubnihii kulanka joogay.

DHAMMAAD

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA