Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya iyo Canada oo ka wada-hadlay Xoojinta xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada dal

Isniin-December-11-2023-{HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shala6 magaalada Doha ee dalka Qatar kulan ku wada yeeshay wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Canada mudane Axmed Xuseen.

Labada wasiir ayaa kawada hadlay kor u qaadidda xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labada dal, taageerada Dibadda ee Canada u qoondaysay dalalka Afrika iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaad iyo isbeddelka Cimillada.

Mudane Abshir Cumar Jaamac Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa uga mahadceliyay martigelinta Canada ee jaaliyadda Soomaaliyeed oo qayb weyn ka qaatay isku xirka labada dal.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA