Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH:Axmed Karaash oo kaligiis talis ku tilmaamay madaxweyne Deni

Isniin-December-11-2023-{HMC} Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan {Karaash} oo qoraal soo saaray ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Deni oo ay isku khilaafeen arrinta doorashada

 

Axmed Karaash ayaa Saciid Deni ku eedeeyay inuu yahay kaligii taliye, isla markaana uu isku koobay awooddii maamulka, sida uu hadalka u dhigay

 

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iska diiday dhammaan talooyinkii loo jeediyay, isaga oo tilmaamay inuu qaaday waddo natiijadeeda ay tahay fashil oo kaliya

 

“Madaxweynuhu wuxuu caadeystay keligii talisnimo iyo inuu awooda dowladda isku koobo kana dheeraado talooyinka dadka wax galka ah, taas oo natiijadeedu markasta kusoo dhammaato fashil” ayaa qoraalkiisa ku yiri, Mudane Axmed Cilmi Cismaan {Karaash}

 

Madaxwyene ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhashay xiisadda ka taagan Puntland uu mas’uuliyadddeeda qaadayo Saciid Deni

 

“Hadaba waxaan wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Puntland u cadaynayaa in hadii uu qaado talaabo aan heshiis lagu ahayn taas oo taabanaysa Arrimaha Masiiriga ah uu qaadi doono cawaaqib xumada ay dhasho” ayaa mar kale yiri Karaash

 

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay kasii dartay xiisadda siyaasadeed ee Puntland, kadib markii maxkamadda dastuuriga ay burisay muddo kordhinteen baarlamaanka

 

Si kastaba, tallaabada baarlamaanka, go’aanka maxkamadda iyo qabsiga Deni iyo Karaash ayaa weji cusub usii yeelaya xiisadda Puntland ee ka dhalatay muranka doorashada.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA