Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Gabar Saxafiyad ah oo shaqada looga eryay Hadal ay Warbaahita ka sheegtay Dartiis

Isniin-December-11-2023-{HMC} Saxafiyad ka hawlgasha telefishin ku yaalla Dalka masar lagua Magacaabo Reham Saciid ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay hadal muran dhaliyay ka sheegtay cayilka siyaadada ah.

Waaxda maamusha warbaahinta dalka Masar ayaa sheegtay in Reham ay isticmaashay erayo si cad xad gudub ugu ah dumarka Masar.

Saxafiyad Reham ayaa intii ay barnaamijkeeda wadday tiri dadka aadka u buurbuuran “caqabad ayay ku yihiin qoysaskooda iyo xukuumadaba”.

Hadalkeedaas ayay difaacday iyada oo qoraal soo dhigtay Instagram.
Hadalkeeda ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Masar Cabdul Fatax Al-Sisi uu dadka Masaarida ah ugu baaqay in ay hilibka dhimaan, ayna naftooda ka dadaalaan.

Intii uu socday barnaamijka ay daadihiso gabadhaasi ee la dhoho Sabaya oo ka baxa telefeshinka al-Hayah TV ayay tiri dumarka tirada badan ee aadka u cayilan waxay lumiyaan dumarnimadkooda iyo farxaddooda”sababtuna waa sunta jirkooda ku jirta”.

Waxay intaas ku sii dartay raggu kama helaan dumarka buurbuuran inta badanna way ka tagaan xaasaskooda aadka u cayilan ama waxay ka laabtaan gabdhihii u doonanaa.

Hadalkeedaas ayaa aad looga dhaleeceeyay baraha bulshada.

Reham ayaa sheegtay in baraha bulshada lagu bartilmaameedsaday, Twitterkeeda ayayna ku xaqiijisay in ay ka fariisanayso shaqada.

“Waan daalay, sababtoo ah mar kaste oo qof rabo in uu hoos kuu dhigo ol’ole dhanka warbaahinta ah ayuu kugu qaadi, sheekooyin been abuur ah ayuuna dadka u sheegi. 200, ama 300 ama 400 ama 500,000 oo ruux oo baraha bulshada isticmaala oo aadan aqoon ayay gacanta ugali halka aad ku dambayn doonto mustaqbalka.

“Arrintaas waan ka daalay, waxaana la gaaray wakhtigii aan carruurtayda u jeedsan lahaa”. Ayay tiri.

Reham ayaa intaas ku sii dartay in 12-kii sano ee la soo dhaafay ay wax badan u qabatay dadka aadka u cayilan.

Ma aha markii koobaad ee saxafiyadan ay tiraahdo hadal muran dhaliyay.

Mar ay booqatay qaxooti Suuriyaan ah ayay ku tilmaantay dad ixtiraam daran, mar kalana barnaamijkeeda ayay ka saartay qof aan wax diin ah haysan inkastoo qofkaas loo casuumay si looga waraysto diin la’aantiisa.

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA