Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Wakiillada Puntland oo maanta kulan gaar ah ka leh Doorashada & xaaladaha soo kordhay.

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa maanta fadhi gaar ah ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed ee Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas, Doorashada iyo go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah ay ku diiday muddo kordhinta Baarlamaanka ee sanadka ah.

Sida ay xaqiijiyeen Xildhibaanno katirsan Golaha Wakiillada waxaa loo diray fariin uga timid Guddoonkooda si Golahaan uu uga doodo arrimaha siyaasadeed ee kasoo cusboonaaday deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland.

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in dood adag ay ka yeeshaan xaaladaha isbaddelka leh ee saacadihii u dambeeyay ka jiray deegaannada Dowlad-Goboleedka Puntland si loosoo afjaro muranka ka dhashay Doorashada.

Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo warbaahinta la hadlay ayaa kasoo horjeystay muddo kororsiga iyaga oo ku baaqay in la qabto Doorasho xor & xalaal ah oo xal waara u noqota xasiloonida siyaasadeed ee Dowlad-Goboleedka Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA