Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Guddoomiye Madaale oo Codsi Dan u ah shacabka Mogdisho hordhigay Dhigiisa Doha

isniin-December-11-2023-{HMC} Guddoomiyaha goobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar kula kulmay dhigiisa Duqa Magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin.

Kulanka labada guddoomiye ayaa ka wada hadlay dib u cosbooneysiinta heshiiska Mataaneynta Muqdisho iyo Doha, taageeridda mashaariicda dhismaha Bullaacadaha Muqdisho, helida sida Gaadiidka kala duwan ee lagu xoojinayo bilicda Caasimadda iyo horumarinta labada Magaalo.

Duqa Magaalada Doha Mansour Ajraan Al-Boeinin ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin talaaba kaste oo lagu taageerayo horumarinta Magaalada Muqdisho iyo dardargalin qorshaha mataaneenta Doha iyo Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ugu mahadceliyay dowladda Qatar iyo shacabkeeda sida ay had iyo jeer u garab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay markale caga heeda ugu istaagi laheyd.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA