Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Israel oo shaacisay tiro lama filaan oo ah ASKARTA looga dilay dagaalka GAZA

Isniin-December-11-2023-{HMC} Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in mar kale ay korortay tirada askarta lagaga dilay hawlgalka dhulka ee ay ka wadaan Marinka Gaza, inkasta oo tirada ay shaaciyeen aad loola yaabay.

Taliska ayaa qoraal uu xalay soo saaray ku sheegay in 97 askari ay kaga dhinteen hawlgalka dhinaca dhulka ee ka socda Marinka Gaza.

Taliska ayaa sheegay in Sabtidii oo keliya ay ka dhinteen 5 askari, kuwaa oo mid ka mida uu adeer u yahay Taliyihii hore ee Ciidamada Israel, Gadi Eisenkot, haatana ka mid ah Guddiga Golaha Wasiirada ee dagaalka.

Sidoo kale wiil uu dhalay Gadi Eisenkot ayaa Khamiistii lagu dilay dagaal ka dhacay waqooyiga Gaza.

Taliska Ciidanka Difaaca Israel ayaa sheegay in 97 askari ee looga dilay dagaalka ay dhinteen, wixii ka dambeeyay 27-kii bishii October, markaas oo dhanka dhulka ay ka weerareen waqooyiga Gaza.

Militariga Israel oo 1-dii bishan dib u bilaabay hawlgalkooda Gaza ayaa waxay markaan diiradda saarayaan dhanka koonfureed ee magaalada, inkastoo weli ay hawlgalka ka sii wadaan waqooyiga magaalada.

Ciidamada Israel oo doonaya in ay si buuxdo isugu wada fidiyaan labada daamood ee Gaza ayaa iska caabin xoogan kala kulmaya Xoogaga Ururka Xamaas.

Si kastaba ha ahaatee tirada askarta ay Israel sheegtay in lagaga dilay dagaalka ayaa la fahamsan yahay inay aad uga badan tahay intaas, islamarkaana ay qarineyso macluumaadka saxda ah ee khasaaraha askarteeda.

Ilo-wareedyada Xamas ayaa horey u sheegay inay dileen kumanaan askari, islamarkaana gubeen boqolaal gawaarida dagaalka ah

Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Cubaydah ayaa sheegay in Xoogaga Xamaas ay burburiyeen 135 ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Israel, 72-kii saac ee la soo dhaafay oo kaliya, kuna dileen boqolaal askari.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA