Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay kawada hadleen Madaxweynaha Ruushka & Ra’iisul Wasaaraha Israaiil?

Isniin-December-11-2023-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ayaa xiriir telefoon toos ah la sameeyay Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin oo siyaasad ahaan u janjeera dhinaca Xamaas isla markaana Moscow ay qaadday tallaabooyin ka dhan ah Yuhuudda.

Muddo ku dhow saacad ayay wadahadlayeen iyaga oo mararka qaar aad u doodayay maadaama Netanyahu uu damacsan yahay in uu iska yareeyo ama iska dejiyo culeyska afka ah iyo midka iska caabbinta ah jihooyinka kala duwan uga imaanaya.

Warbaahinta Ruushka iyo Kuwa Israaiil ayaa aad u hadal haya xiriirkaan, walaaca Israaiil ay ka muujineyso sida ay isugu xirmayaan Moscow & Xamaas, cadaadiska uga imaanaya Golaha Ammaanka iyo dareenka gaarka ah ee Netanyahu ka muujinayo Raashka.

Israaiil ayaa Ruushka sidoo kale u aragta in uu martigelinayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo aad ugu hubeysay dhinacyada kala duwan ee Gantaallada sida roobkii ugu da’aya deegaannada ay Yuhuudda sida xoogga ah uga heysato Falastiin.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in Wasiirka 1aad ee Yuhuudda uu Madaxweyne Putin kala hadlay sidii Ruushka oo xubin joogta ah ka ah Golaha Ammaanka uga joojin lahaa culeyska uu saarayo & martigelinta dhinacyada kasoo horjeeda Yuhuudda oo ay ula jeedaan Iiraan iyo Xamaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA