Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay tahay muhiimadda ugu jirto Soomaaliya kursiga ku xigeenka xoghayaha guud ee IGAD?

Isniin-December-11-2023-{HMC} Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD Mudane Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan xilka loo magacaabey ayaa warbaahinta Qaranka u faahfaahiyey muhiimada kursiga loo magacaabey iyo sidey Soomaaliya ugu suura gashey madaxda ugu sareysa IGAD in ay ka mid noqoto.

 

Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in booskaan Soomaaliya ay u tahay boos muhiim ah, isaga oo carabka ku dhuftay xilka loo magacaabay in ay markii ugu horreysay qof Soomaali ah uu jagadaas qabto.

 

Mr Waare oo ka hadlay sida magacaabistiisa ku timid ayaa yiri, “Kursigaan looma tartamin, shirkii IGAD ee lagu qabtay Jabuuti bishii June ayaa lagu go’aansaday in kursigaas Soomaaliya la siiyo, maadaama Soomaaliya ay ahayd waddadamii lagu aasaasay ururka weli aysan ka qaban kursigaas, marka waa laysla gartay, todobada madaxweyne ee markaas joogay ayaa isla gartay.”

 

Madaxweynihii hore ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maalin ka hor loo magacaabay Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD ayaa xusay in xilkaan Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay, isaga oo sheegay in ay ka soo dhalaali doonta kaalinteeda.

 

Wasiir dowlihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cabdullaahi Qaloocow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa bogaadiyey sida dowladda Soomaaliya ay la soo laabatay jagooyinkii muhiimka ahaa ee ka maqnaa.

 

“Waan ku boggaadineynaa Dowlada iney lasoo laabato jagooyinkii muhiimka ahaa ee kaga maqnaa ururada iskaashigu nagala dhexeeyo,Mudane Waarana waa nin waayo arag ah oo horey ulasoo shaqeeyey Hay’addo waaweyn,” sida uu yiri Wasiir Qaloocow.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo jeedin uu u sameeyey madaxda dalalka ururka gobaleedka IGAD in Mr Maxamed Cabdi Waare loo magacaabo booska Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee urur gobaleedka IGAD.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA