Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Qareenada agaasimayaashii hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo soo saaray war culus

isniin-December-11-2023-{HMC} Qareenada u doodaya xubno ay ka mid yihiin Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi iyo Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa warqad ay u direen Agaasimaha hay’adda socdaalka uga dalbaday inuu ka noqdo go’aan ka soo baxay xafiiskiisa.

Go’aankaas ayaa ahaa in Agaasimaha hadda jooga xafiiska uu xisaabiyaha guud ee dowladda ka dalbaday in mushaar joojin lagu sameeyo masuuliyiintaas iyo xubnaha kale oo ku eedeysan musuq, kana tirsan hey’adda.

Dalabka agaasimaha hey’adda Socdaalka ayaa soo baxay 23-kii bishii hore, waxaana sabab looga dhigay in xubnahaasi aysan wax shaqo ah u qaban hey’adda, sidaas darteed wuxuu agaasimuhu xisaabiyaha guud ka codsaday in mushaarka laga jaro.

Labada qareen ee warqadaan soo saaray ayaa kala ah Zakariye Ismaaciil Nuur iyo Cabdirisaaq Cumar Ibraahim, qoraalka ay soo saareen ayaa ka kooban 13 qodob.

Sidoo kale qareenadaan ayaa qoraalkooda ku cadeeyey in masuuliyiinta mushaarka laga joojiyey ay dacwad uga furan tahay maxkamadda gobolka Banaadir.

“Ma jiro xeer kuu ogolaanaya inaad mushaarka ka joojiso ama shaqo ka eryid ku sameyso shaqaale ay dacwadoodu ka furan tahay maxkamad, weliba uusan kiiskooda xukun ka soo bixin,” ayaa lagu yiri qoraalka qareenada.

Sidoo kale saraakiisha mushaar joojinta lagu sameeyey waxaa qoraalka qareenada lagu cadeeyey inay ka mid yihiin shaqaalaha lagu maamulayo sharciga shaqaalaha rayidka.

Qareenada ayaa agaasimaha hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda ka codsaday inuu ka laabto warqadii ka soo baxday xafiiskiisa, maadaama saraakiishaas ay yihiin shaqaale ay dacwadoodu maxkamad ka furan tahay.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA