Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH: Axmed Madoobe oo Caawa Xilal Cusub Magacaabay

Isniin-December-11-2023-{HMC}  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa caawa Magacaabay Xeer-ilaaliyayaal iyo Garsoorayaal lagu kordhiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Tix-raac: XM/DGJS/056/2023.

MAGACAABISTA: XEER-ILAALIYAAL IYO GARSOORAYAAL.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Jubaland, Cutubkiisa 4aad, Qodobka 72aad, Farqada (18aad) ee ku aadan awoodda madaxweynaha ee magacaabista Garsoorayaasha & Xeer-ilaaliyaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland;
Markuu arkay: Baahida degdega ah ee loo gabo in la helo adeeg garsoor oo dhamaystiran,
Markuu Latashaday: Madaxweyne ku-xigeenada Dowladda Jubaland,.
Wuxuu Madaxweynaha Dowladda Jubaland u magacaabay;-

1. Mudane Ismaaciil Cabdi Cali, Xeer llaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

2. Mudane Maxamed Maxamuud Bucul, Xeer ilaaliye Maxkamadda Ciidamada
Qalabka Sida.

3. Mudane Xasan Maxamed Cumar, Garsoore Makamadda Ciidamada Qalabka
Sida.

4. Mudane Daahir Cabdi Cali, Garsoore Maxkamadda Ciidamada Qalabka
Sida.

5. Mudane Cabdi Maxamed Aar, Garsoore Maxkamadda Ciidamada Qalabka
Sida.

Magacaabistan waxay dhaqan galaysa Marka Madaxweynahu uu sixiixo Wuuna sixiixay.

DHAMMAAAD.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA