Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Dalka Qatar

Isniin-December-11-2023-{HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa shalay magaalada Doha kulan kula qaatay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar Mudane Dr. Mohamed Abdulaziz Al-Khulaifi.

 

“Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka Diblumaasiyaddeed ee labadeena dal iyo kor u qaadidda iskaashiga naga dhaxeeya ee dhinacyada badan leh,” ayuu yiri wasiir Abshir Cumar Jaamac.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, ayaa si gaar ah isula soo qaaday shirka Arrimaha ammaanka Soomaaliya ee Maraykanka todobaadkaan ka furmaya, kaas oo Qatar ay ka mid tahay shanta dal ee Soomaaliya gacan siinaya.

 

Kulanka labad mas’uul waxaa goobjoog ka ahaa danjiraha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar Amb Dr Maxamed Axmed Doodishe iyo ku-xigeenka safiirka Ruun Siciid Qoorsheel.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA