Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xaaska ninkii ku dhintay shilka uu wiilka madaxweynaha Soomaaliya ku lugta lahaa oo hadashay

Isniin-December-11-2023-{HMC} Öznur Göçer oo ah xaaska ninkii u dhashay dalka Turkiga ee ku geeriyooday shilka gaari ee wiilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu ku lug yeeshay ayaa la hadashay warbaahinta Cumhuriyet ee dalka Turkiga.

“Waxaan ka cabanayaa qof kasta oo sababay geerida ninkayga iyo kuwa u ogolaaday in uu dalka ka baxo” ayay tiri Öznur Göçer.

Dawladda Turkiga ayay sheegtay in aysan sameyn tilaabooyinkii ay ka rajeyneysay inay qaadaan, si ninkeeda dhintay uu cadaalad u helo.

“Dowladdu waxay sheegaysaa in wixii loo baahnaa la sameyn doono, balse anigu kuma qanci karo waxa ay leeyihiin,” ayay raacisay hadalkeeda haweeneyda oo aad u murugsaneed.

Shilkaan oo 30-kii November ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayuu dhaawac culus ka soo gaaray seygii haweeneydaan, wuxuuna dhaawacaas u dhintay lix maalmood kadib markii shilku dhacay.

Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee magaalada Istanbul, sida uu duqa Istanbul shaaciyay maalin ka hor.

Muuqaallo lasii daayay oo ay duubeen kaamirooyinka CCTV ayuu duqa magalaadda Istanbul ku daabcay bogga uu ku leeyahay Twitter – muuqaalkaas ayaa muujinaya gaariga oo gadaal ugu dhacaya mootada, waddo mashquul badan.

“Waxaan haystaa gabar 15 jir ah oo dugsi sare dhigata. Waxaa kale oo ii jooga wiil sideed jir ah oo qaban xanuunka autism ka. Cunugeyga waa uu ka haray noloshii bulshada, maadaama uu xanuunsanaa. Seygeyga iyo anigu waxaan isku dayaynay inaan nolosha ku toosino. Hadda cidlo ayaan taaganahay,” ayay tiri Öznur Göçer.

Haweeneydaan ayaa booliska ku eedeysay inay gudbiyeen warbixin qalad ah, taas oo horseeday inuu waddanka ka baxo eedeysanaha shilkaan oo ah Maxamed Xasan Sheekh, wiilka madaxweynaha Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA