Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{AKHRISO} Marxaladahii ay so maray Deyn cafinta Soomaaliya

Talado-December-12-2023-{HMC} Geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya ayaa soo bilowday sanadkii 2013, wuxuu ahaa mid aanu sahlanayn in uu miro dhalo, balse dadaallo badan oo ay bixiyeen madaxda Dowladda ka dib ayaa lagu guulaysatay in dalkeenna uu ka soo gudubo dhamaan habraacyadii hubinta barnaamijka deyn cafinta heerarkiisi kala duwanaa, waxaana hadda socda u diyaargarowga ku dhawaaqista deyn cafinta Soomaaliya.

Intii uu socday hayaanka deyn cafinta, Soomaaliya waxay muujisay sarre u kac dhanka dakhliga gudaha ah iyo kobc lama filaan ah oo guud ahaan saameeyay dhaqaalaha dalka, taasi oo keentay in Hey’adda lacagta adduunka ay Soomaaliya ku amaanto dadaaladii ay u gashay deyn cafinta iyo sidii ay mid-mid ugu dulmartay Jaran jarooyinkii dhowrka ahaa ee lagu xeray cafinta deymaha bilyiinta Doollar ah ee dalkeenna ay ku leyahiin Dowlado iyo Hay’ado kala duwan.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa dhawaan shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ku guulaysatay dhammaan habraacyadii Barnaamijyadii deyn cafinta ayna kasoo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib u eegista deyn cafinta faracyadisii kala duwnaa.

Hannaanka deyn cafiska Soomaaliya, ayaa soo maray heerar kala duwan, sida hirgelinta afar barnaamij oo lagu xariira deyn cafinta, kuwaasi oo loo yaqaanno “SMPs,” oo lagu daray barnaamijka UCT iyo kulanka gebagebada oo saacado ay naga xigaan, kaas oo ay isugu imaan doonaan madaxda Hay’adaha IMF, dalalka iyo Hay’adaha deymaha ku leh Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa horay u sheegay in Wasaaraddu ay dadaallo dheeri ah ku bixiyeen xoojinta canshuura dalka, taasoo ka mida aheed sababaha keenay inuu dakhliga gudaha kor u kaco, si lamid ah tillaabooyinkii hore ee deyn cafinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guud loogu bogaadiyay sida ay u maamushay dib u habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka Maamulka Canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IMF, ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay soo gaartay bar-dhamaadka deyn-cafinta “Completion Point ”, 13-ka bishan December, ayuuna qorshaha yahay in dalkeenna laga cafiyo deymahii lagu lahaa muddada dheer.

Dhameysrirka barnaamijka deyn cafinta ayaa hiigsiga labaad u ahaa Xukuumada Dan Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, marka laga soo tago hiigsiga kowaad oo ahaa xoreynda dalka iyo ciribtirka khawaarijta.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA