Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xaalada Magaalada Baladweyne Fatahaada Kadib.

Talado-December-12-2023-{HMC} – Waxaa si caadi ah kusoo laabtay isku socodka dadka isticmaalayo Buundooyinka liq-liqato iyo buunda-weyn oo ku yaalla Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kuwaas oo saameyn ay ku yeesheyn Fatahaada wabiga shabeelle.
Marinka muudooyinkan waa mid Muhiimad gaar ah u leh dadka ku nool xaafadaha Buunda-weyn, Howlwadaag, kooshin iyo xaawo taako kuwaas oo fatahaada ay kala go’doomisay mudada ay jirtay.
Dadka ugu badan ee Buundooyinkan isticmaalayo aha ah kuwa doonayo in ay hagaajistaan goobahooda Ganacsi iyo guryahooda kuwaas oo biyaha ay galeeyn.
Qaar kamid ah Shacabka Magalada Baladweyne ayaa sheegay in ay ku faraxsan yahiin in biyahii ay Magaalada ka baxeeyn oo isku socodka Buundooyinka uu furmsy .
Marinka xiligan labada buundo waa dadka shacabka oo kali ah , waxaana laga joojiyay gaadiidka Magaalada Cabsi laga qabo in buundadooyinka ay go’aan madaama biyaha fataahada ay waqti dheer ku jireen .

 

dadka deegaanka ayaa bogaadiyay talaabada gaadiidka Magaalada looga joojyay gaar ahaan ahaan Buundooyinka iyo wada Laamiga ah kuwaas oo sheegay in dhibaato hada ka weyn ay dhici laheeyd, hadii gaadiidka la fasaxi lahaa.
Ugu dambeeyn, waxaa ay shacabka Magaalada ugu baaqeeyn Maamulka iyo hay’adaha samafalka in loo gurmado dadka ay saameynta ku yeesheyn Fatahaada wabiga Shabeelle.

   

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA