Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Britain oo Si adag ugu Hadashay kulan dhax maray Erdogan iyo Humza Yousaf

Talado-December-12-2023-{HMC}  Xoghayaha cusub ee arrimaha dibadda ee Britain David Cameron ayaa ku hanjabay inuu ka laaban doono taageerada xafiiska arrimaha dibadda ee Scotland ka dib markii wasiirka koowaad ee Scotland Humza Yousaf uu la kulmay madaxweynaha Turkiga iyadoo aanay goobjoog ka ahayn madaxda UK.

Warqad uu Cameron u diray xisbiga Iskotland National Party (SNP) ayuu ku sheegay inay jabin tahay hab-maamuuska in Yousaf uu Qaza iyo arrimo kale kala hadlay Recep Tayyip Erdogan shirkii COP28 ee ka dhacay Dubai 1-dii Diseembar.

Labada hoggaamiye ayaa ka mideysan arragtidooda joojinta dagaalka Gaza, halkaas oo ay Israa’iil weerarrada cirka iyo dhulka ah ku dileen ku dhawaad 18,000 oo falastiiniyiin ah, waxayna ku baaqeen xabbad-joojin degdeg ah.

Hoggaamiyahan ugu sareeya Scotland Yousaf ayaa si weyn u dhaleeceeyay taageerada buuxda ee dowladda UK ay siiso maamulka Israa’iil iyo duulaanka millatari ee ay ku qaadeen marinka Qaza ee dhulka Falastiin.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA