Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Wasiirada Galmudug oo ka shiray go’aan ka gaarista dhismaha dekedda Hobyo

Talado-December-12-2023-{HMC}  Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo maanta ka dhacay degmada Hobyo.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan amniga deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa warbixin ku saabsan hishiiska dowlad-goboleedka Galmudug iyo shirkadda maalgashiga dekedda Hobyo laga dhageystay Wasiirka Dekedaha.

Kaddib dood dheer golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hishiiskaas.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa sharci muhiim ah loogu ansixiyay Wasaraadda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maalmo kahor booqday halka ay khubarada dhiseysa dekedda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso dekedda.

“Waxaan cabirnay oo asteynay dekeddii goobtii loo asteeyay, halka aan taaganahay waa meesha ay ka bilaabato calaamada ka baxsan magaalada ee dekeddii Hobyo ee dhismaheeda la bilaabayo,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Qoor-Qoor ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekeddu u baahan tahay aan la deegaameyn karin, islamarkaana aysan sharci aheyn maanta wixii ka dambeeya dhulkii hore loo deegaamayay.

“Cidii ku jirta, cabir ka sameysay ama dhisme ka sameysay laga bilaabo maanta waa ka mamnuuc, waana ka baxeysa oo cid loo ogol yahay oo dekedda aheyn majirto,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu markaas faray hay’adaha amniga maamulka Galmudug inay la shaqeeyaan guddiga loo xil-saaray dhismaha dekedda Hobyo.

“Dhamaan hay’adaha amniga waxaa amar ku qabtaan in aad ilaalisaan oo dhowrtaan, ciddii soo gasha ama ku xad-gudubta sharciga lala tiigsado. Majirto hanti ama dhisme hore looga sameeyay oo laga bilaabo saacadan sharci ah.”

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA