Sunday, February 25, 2024
spot_imgspot_img

‘Muwaadiniinta dalkeygow’: Warqada sirta ah ee Maxamed Siyaad Barre qoray kahor geeridiisa ee laga helay madxafka Ingiriiska

Talado-December-12-2023-{HMC}  Maalinnimadii Talaadada ee bishii Oktoobar ay ahayd 10-ka, sannadka 2023, waxa aan baaritaan cilmi-baariseed u tagay keydka lagu keydiyo dokumentiyada taariikhiga ah ee dalka Ingiriiska (UK National Archives).

Waxaan daba-joogay dhammeystirka daraasad ku saabsan dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka billowday dhammaadkii toddobaatameeyadii illaa iyo billowgii sagaashameeyadii.

Waxaan halkaas ka helay faylal sir ahaan jiray oo Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Ingiriisku ay ku keydisay wixii xog ahaa, ee ay ka heli jirtay arrimaha dowladdii militariga ahayd ee Soomaaliya iyo jabhadihii hubeysnaa ee la dagaallamayey.

Faylka waxaa kaloo ku jirta warqad aad u xiise badneyd, oo uu Maxamed Siyaad Barre u diray kaaba-qabiillada Soomaaliyeed bishii Oktoobar, 1992dii Warqadda, oo ka kooban saddex bog, waxaa magaalada Nairobi ka soo diray safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay Kenya.

Warqaddu waxay ku billaabatay qoraal yar oo cover ah, oo gaaban, oo ay Canab Maxamed Siyaad Barre, oo uu dhalay Maxamed Siyaad, ay ku sharraxeyso waxa ay tahay warqadda aabbaheed.

Sida muuqata, safaaradda Ingiriiska ee Kenya ku taalla waxay warqadda ka heshay Canab lafteeda, oo diblomaasiyiin ajnabi ah ku guddoonsiisay Hoteel PanAfric ee magaalada Nairobi, oo markaas ay address ka dhigatay Canab, sheegtayna in P. O. Box-keedu uu yahay 244144, mana sheegin qolka ay ka deggan tahay hoteelka. Taariikhda ay cover-ka ku qortay waa 19-ka bisha Oktoobar 1992.

Canab waxa ay ku billowday cover-keeda in warqadda Maxamed Siyaad Barre ay tahay ‘Warqad Nabadeed’ (Letter of Peace).

Waxa ay tiri: ‘Waxa aan idinku wargelinayaa dadaalka joogtada ah ee Mudane Maxamed Siyaad Barre ee ah in nabad iyo xasilooni lagu soo celiyo Soomaaliya, sidaas awgeed waxaa halkan ku lifaaqan warqadda soo socota, oo ah mid iyadu is sharraxaysa, oo ah farriin nabadeed oo ku socota dhammaan hoggaamiyeyasha dhaqanka Soomaaliyeed, kana timid Mudane Maxamed Siyaad Barre, oo kula talinaya inay saacidaan dadaalka gargaarka iyo nabadda ee ay waddo Qaramada Midoobay iyo inay xal-waara u raadiyaan mushkiladda maanta haysata Soomaalida si loo ilaaliyo ummad-nimadooda’.

Meesha u dambeysa ee cover-ka waxa ay Canab ku sheegatay inay tahay Ergay Gaar ah, oo ka wakiil ah Maxamed Siyaad Barre, mana aysan ku sheegin wax title ah oo uu leeyahay aabbaheed, kaddibna magaceeda ayay ku saxiixday. Waxaa hoos ku sii taalla stamp ay ku dhufatay safaaradda Ingiriiska ee Kenya, oo taariikhdeedu tahay 26-ka Oktoobar 1992, oo u muuqata inay tahay maalintii ay sida rasmiga ahayd warqadda u guddoomeen.

Bogga koowaad ee Warqadda Maxamed Siyaad, waxaa ku taalla stamp-da Madaxtooyada Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya, waxayna ku taariikheysan tahay 15-ka bisha September 1992, magaalada ku qoran-na waa Lagos, dalka Nigeria.

Wuxuu ku billaabay: ‘Waxaan jeclaan lahaa inaan kaga faa’iideysto fursaddaan inaan idin soo gaarsiiyo salaanteyda, si sharaf iyo xurmo ay ku dheehan tahay.

Farriinteydu waxay idiin siddaa warbixin iyo talooyin ku saabsan xalka arrimaheenna gudaha, waxaana la socda baaq ku wajahan dhammaan xoogagga ka ciyaari kara door wanaagsan hannaanka nabadda ee Soomaaliya’.

Arartaas kaddib wuxuu yiri: ‘Muwaadiniinta dalkeygow, labadii sano ee ugu dambeysay, waxaan marqaati ka ahayn burburka qiyamkii taariikhiga ahaa iyo hiddihii dhaqanka ee jiilasha mustaqbalka’.

Halkaas markuu marayo, hal mar ayuu gadaal u noqday, wuxuuna yiri ‘waxaa muhiim ah in la xuso dagaalkii aan la galnay qabyaaladda waqtigii la soo dhaafay’.

Wuu sii watay, wuxuuna xusay in markii taliskiisu ay duugayeen qabyaaladda aysan ka soo horjeedin dhaqankii jilibyada ee Soomaaliya, laakiin ay ka soo horjeedeen ‘canaasiir’, sida uu yiri, ‘ku howlan naftooda oo isticmaalaya qabyaalad iyagoo u daneynaya danahooda shaqsiga ah’.

Wuxuu intaas ku sii daray ‘faham la’aanta dadka caadiga ah aysan ku kala saari karin kuwaas ayaa keentay inay taageeraan kuwa loogu yeero qabqablayaasha dagaalka, oo ku keenay ummadda Soomaaliyeed inay kufto, iyagoo dadka u kala qaybiyey qabiillo iyo jufooyin, kana barakiciyey waqooyi iyo koonfur’.

Bogga koowaad, wuxuu ku soo gunaanaday in hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo ururrada bini’aadamnimada ay muddo dheer ku howlanaayeen ‘inay badbaadiyaan dadka Soomaaliyeed ee uu sameeyey dagaalka sokeeye, una fidiyaan caawimaad ka kooban cunno, daawo iyo dhaqaatiir’, taasoo keentay inay qaarkood ku waayaan naftooda, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Bogga labaad, wuxuu ku billowday inuu ka warbixiyo in kaddib markii amnigooda la geliyey qatar in bulshada caalamka ay go’aansaday laba arrimood: (1) Inay joojiyaan wixii caawimaad ah, illaa xabbad-xoojin lagu heshiinayo, ama (2) Inay cunnada sii qaybiyaan, kana badbaadiyaan dadka baahida iyo xabbadaha, ayna dadaal kasta ku bixiyaan in la joojiyo dagaalka iyo qalalaasaha.

saga oo mar walba qoraalkiisa dhex-taal uga dhigaya ‘muwaadiiinta dalkeygow’ ayuu bogaadiyey Xoghayihii xilligaas ee Qaramada Midoobay, Boutros Boutros-Ghali iyo magacaabista uu Maxamed Saxnuun u magacaabay wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya, si uu uga caawiyo Xoghayaha Guud arrimaha la xiriira xal nabadeed oo loo helo khilaafka ka taagan Soomaaliya.

Maxamed Siyaad Barre, wuxuu kaloo bogaadiyey dalka Mareykanka, oo ciidan u soo diraya xeebaha Soomaaliya, si ay u caawiyaan howlgallada Qaramada Midoobay.

Wuxuu yiri ‘uma aragno tallaabadaas inay tahay caqabad, laakiin waa xoog caawimaad oo gacan ka geysanaya nabadda dalkeenna’. Si kastaba, wuxuu sheegay inuu welwelka uu qabo la qeybsaday dalal uu ku sheegay ‘wadammada saaxiibbada ah’, sida Mareykanka, wadammada Yurub, wadammada Afrika iyo wadammada Carabta, qaasatan Sacuudiga, uuna ka codsaday inay caawimaad baaxad leh (massive assistance) u fidiyaan dad ka kooban hal milyan iyo bar, oo u baahan caawimaad degdeg ah oo dhanka cunnada iyo daryeelka, kuna sugan dalka gudihiisa iyo xuduudaha Kenya iyo Itoobiya.

Wuxuu yiri ‘waxaan wargeliyey dowladahaan inaysan ku dhex-wareerin arrimaha siyaasadda iyo si ay nabad uga sameeyaan Soomaaliya inay wada-shaqeyn la yeeshaan hoggaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta wanaagsan ee aaminsan nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya’.

Wuu sii watay, wuxuuna sheegay inuu baaq (appeal) u diray Qaramada Midoobay in shuruudaha ciidan nabadeed loogu daabulayo Soomaaliya inaysan la mid noqon ‘xaaladdii aan ku sugneyn 1950-1960, oo ahayd maxmiyaddii Qaramada Midoobay’.

Bogga saddexaad, oo ah kan ugu dambeeya, wuxuu tilmaamay in si’ xaaladda Soomaaliya loogu soo afjaro waqti hore inuu u soo jeedinayo hoggaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sida boqorrada, garaadada, malaaqyada, suldaannada, imaamyada, islaannada iyo wabarrada (ugaasyada kuma uusan soo darin), inay go’aansadaan inaysan wax dadaal ah la harin, ‘si loo dhaqan-geliyo hindisaha soo socda ee lagu hubinayo, laguna soo celiyo madax-bannaanidii iyo ummadnimadii’. Hindisaha uu u soo jeediyey kaaba-qabiillada, wuxuu ku billaabay:

1. In la taageero dadaallada nabadda ee Qaramada Midoobay, iyadoo la kaashanayo Ururka Afrika, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Yurub, iyadoo la aqoonsanayo in taasi ay tahay danaheenna.

2. In lagu dadaalo in la hagaajiyo amniga iyo xasiloonida garoomada iyo dekedaha, si loogu gogol-xaaro gaarsiinta qalabka gargaarka inuu gaaro dadkeenna macluulsan.

3. In la abuuro tallaabooyin kalsooni-dhisid ah oo u dhexeeya ‘dadka gobollada deriska ah’, si loo raadiyo soo-celinta nabadda iyo wada-hadalka iyadoo la isticmaalayo tallaabooyin ku jaango’an hababka dhaqanka.

4. In la diido, lagana fogaado isbahaysiga cusub ee aan barakada lahayn ee qaabkiisu yahay qabiilka.’

Intaas kaddib, wuxuu kula dardaarmay, ‘Muwaadiniinta dalkeygow, wiil ayaa ku dhinta dagaalka, kuma dhasho’. Wuxuu ku soo afjaray: ‘Waan idiin mahadnaqayaa dhammaantiin’, kaddibna saxiixiisii ayuu ku duugay. Midda xiisaha leh, waa in saxiixa kaddib uu qortay inuu yahay darajada ‘Madaxweyne’, iyadoo laba sano iyo bar ka hor xukunka xoog lagaga tuuray. Hase yeeshee, warqaddaan warqad ka dambeysay, oo laba bog ahayd, oo uu 10-kii bishii February 1993-kii u diray Madaxweynihii Mareykanka, lagana helay maktabadda keydka Bill Clinton, wuxuu ku saxiixay inuu yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Ingiriis
Role,Jaamacadda King’s College London

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 24-02-2024

Sabti, Feb-24-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo :Abdimaajid Abdirahmaan Aadan Farsamadii :Abdiqani...

{DAAWO MUUQAALKA} Ololaha Booskaaga Beer ka dhigo oo Dalka looga dhawaaqay.

Sabti, Feb, 24, 2024 {HMC}  Ololaha Booskaaga Beer ka dhigo oo Dalka looga dhawaaqay. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA https://youtu.be/_RbvIXdKB8U

WARARKA