Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Sheekh Umal: “Garaacista haweenku ul soo qaado, budh soo qaado oo madaxa ku jabi maaha”

Talado-December-12-2023-{HMC}  Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa isaga oo ka jawaabayay su’aal diini ah oo laga waydiiyay waxa ay diintu Islaamku ka qabto garaacista dumarka ayaa waxaa uu sheegay in arrintu aaney aheyn sida dadka qaarkood u dhigayaan.

Sheekha oo ku saleynayay jawaabtiisa Aayado qur’aan ah iyo Axaadiis laga weriyay rasuulkeenna Muxammed NNKH, ayaa sheegay in garacaista dumarka ee diinta lagu sheegay ay tahay arrin hagaajin ah oo aysan aheyn in haweenka la ihaaneysto isla markaana lagu xadgudbo.

“Garaacista laga hadlayo Nabigu wuxuu ku xiray, waa garaacis aan ruuxa dhaawacna u gaysaneynin dhibna aan u gaysaneynin,” ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekha oo sharraxaadiisa sii wata ayaa yiri: “garaacista markii fuqahadu sii sharxeen waxay dhaheen fiidda marada ayaa si tartiib ah loogu dhufanayaa,” (xanjafin).

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa intaa raaciyay in garaacista la sheegayo aysan aheyn in ul,buris, iyo budh la soo qaato oo haweenka dhib la gaarsiiyo taas oo ah wax aan diin ahaan iyo dhaqan ahaanba sax ahayn.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA