Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya oo Caalamka u bandhigeysa 3 qodob oo si gaar ah indhaha ay ugu hayaan.

Talado-December-12-2023-{HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ku qabaneysa shir ay kusoo bandhigi doonto saddex qodob oo indhaha lagu wada hayo oo muhiimad gaar ah u leh Dalka.

Qodobadaan ayaa si gaar ah qiimeyn lagu sameyn doonnaa maadaama mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay arrimahaan oo waxa ay isku diyaarineysaa in ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amnigeeda marka uu idlaado waayaha howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Bandhiggaan waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya diiradda ku saari doontaa: 1-Amniga Dalka, Dib u dhiska Ciidanka & Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si looga qabsado deegaannada ay ku sugan yihiin waa sida hadalka loo dhigay.

Sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia waxaa ka qaybgalaya 26 Dal, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub, Ururka Midowga Afrika & dhinacyo kale oo daneynaya qodobada diiradda ay saareyso Dowladda Federaalka.

Intaas kaddib waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya codsaneysa in laga garabsiiyo saddex qodob oo dhammaantood hoostaga in la taageero dib u dhiska iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA