Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

WAR DEG DEG AH:Madaxweyne Dani oo Magacaabay Gudiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda {AKHRISO}

Garoowe: 12 December 2023:{HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Sicidii Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray.

Xeer Madaxweyne Lr. 67 ee 12-da December 2023 kuna saabsan Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-AAD, 60-AAD iyo 61-AAD.

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr.124 ee December 4, 2004, Wareegto November 15,2008, Xeer Madaxweyne Lr. 159 December, 03 2013, iyo Xeer Madaxweyne Lr 189 December 03, 2028 kuwaad oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, dhammaantood lagu magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Dowladda Puntland (Vetting Commitee).

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Punltand (Vetting Committee)
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –
1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )
2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)
3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)
7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn)
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA