Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yamen oo Gantaal ku dhuftay Markab Ganacsi oo Laga leyahay Dalka Norwey

Talado-December-12-2023-{HMC}  Dagaalyahanadda Xuutiyiin ee awoodda badan ku leh dalka Yemen ayaa shalay oo Isniin ah gantaal ku dhuftay markab ganacsi oo marayay marinka Bab-el-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.

Markabkan oo la sheegay in laga leeyahay dalka Norwey ayaa lagu dhuftay gantaal nuuca loo yaqaan cruise-ka , waxaana gantaalkan la sheegay in laga riday gudaha dalka Yemen gaar ahaan aaga ay ka taliyaan Xuutiyiinta.

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan aaga weerarku ka dhacay ayaa si deg deg ah ugu gurmaday markabka gantaalka lagu shuftay, waxa ayna gacan u fidiyeen shaqaalihii la socday markabka la weeraray.

Mareykanka ayaa sheegay in markabkan markii gantaalka ku dhacay uu qabsaday dab, waxa ayna sheegeen in uusan jirin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay gantaalka lagu dhuftay markabka ganacsi.

Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa horey ugu hanjabay in ay beegsan doonaan Maraakiibta laga leeyahay Israa’iil iyo kuwa kale ee kusii jeeda dalkaasi, waxa ayna Xuutiyiinta horey u qafaasheen markab ay sheegeen in Israa’iil laga leeyahay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA