Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Hay’adda NISA oo soo bandhigtay xubno ka bar-bar dagaalamay AS

Arbaco-December-13-2023-{HMC} Ciidanka Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Maamulka Koofur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

 

Xubnahan ka so goostay Al shabaab ee isku soo dhiibay ciidanka dowladda, ayaa waxay ka kooban yihiin Afar ruux, ayada oo warbaahinta dowladda ay baahisay sawiradooda.

 

Dhalinyarada maanta isku soo dhiibay ciidanka ammaanka magaalada Baydhabo ee soo bandhigtay Hayada Nabadsugida ee NISA ayaa sheegay inay ku jireen waxay ugu yeeraan Jabhadaha.

 

Sidoo kale waxay sheegeen inay ka soo qayb qaateen dagaallo kooxda Al-Shabaab ay ku gashay gobollada Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Gedo.

 

Markii uu billowday howl-galka ka dhanka ah Al-Shabaab waxay dowladda soo bandhigaysay xubno kasoo goostay kooxda, kuwaasi oo intooda badan sheega inay u adkeysan waayeen nolosha duurka iyo gulufka ka dhanka ah kooxda.

 

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo wejigiisa koowaad uu marayo heer geba-gebo ah ayaa waxaa kooxda looga saaray deegaano iyo degmooyin muhiim ah, inkasta oo ay weli ku sugan yihiin qeybo kamid ah dalka, xilli dhawaan uu billaabanayo wejiga labaad ee dagaalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA